Mareykanka oo duqeyn ku burburiyay xarun ay Al-Shabaab ku lahayd magaalada Jilib

Gaadii dagaal oo Al-Shabaab leeyihiin oo dhexmaraya magaalada Jilib. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku burburiyay xarun ay lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen war-saxaafadeed maanta oo Talaado ah.

Duqeynta ayaa Isniintii ka dhacday Jilib, oo ah magaalo ay ku xooganyihiin maleeshiyadu oo kutaala gobolka Jubbada Dhexe.

Ma jirto waxa shacab ah oo khasaare ka soo gaaray duqeynta, war-saxaafadeedka AFRICOM ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*