Mareykanka oo duqeyn kale oo ka dhacday Puntland ku dilay afar dagaalyahan oo ISIS ah

Maleeshiyada ISIS. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ku sheegay maanta oo Jimce ah in duqeyn ay ka geysteen Buuraha Golis ee Puntland ay ku dileen afar dagaalyahan oo katirsan ISIS.

Duqeynta ayaa dhacday Khamiistii, sida Taliska Mareykanka ee Afrika ay sheegeen.

Waa duqeyntii labaad oo ka dhan ah ISIS oo Mareykanku qaaday asbuucaan. Duqeyn Arbacadii ka dhacday isla deegaankaas Buuraha Golis ayaa lagu dilay 13 dagaalyahan.

Sidoo kale waa duqeyntii afraad oo ka dhan ah maleeshiyada ISIS  ee ku sugan gudaha Puntland tan iyo bishii April, markaas oo duqeyn ka dhacday gobolka Bari 14-kii April lagu dilay hoggaamiye ku xigeenkii ISIS Cabdixakiin Dhuqub.

Waxaad moodaa in Mareykanka uu hadda beegsanayo maleeshiyada ISIS taasoo soo if-baxday sanadkii 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*