Mareykanka oo duqayn cirka ah ku dilay dagaalyahan Al-Shabaab ah koonfurta Soomaaliya

Sawirka: Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn cirka ah oo uu Mareykanku ka geystay koonfurta Soomaaliya, sida Taliska Mareykanka ee Afrika ay ku sheegeen bayaan.

“Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidamada Mareykanka waxay duqayn saxsan ka geysteen gudaha Soomaaliya oo ka dhan ahayd Al-Shabaab maalintii Khamiista ee Sept 7-dii, qiyaas ahaan 2:45 p.m. saacada Somaaliya, waxaana lagu dilay hal argagixiye,” Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidaa bayaanka ku yiri.

“Howlgalka ayaa ka dhacay meel u dhow Baraawe, oo qiyaas ahaan 270-km dhanka koonfur-galbeed ka xigta caasimada Muqdisho.” Ayaa lagu sii yiri bayaanka.

Waxa uu ahaa howlgalkii labaad oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay qaadeen Mareykanku intii lagu guda jiray asbuucaan. Talaadadii, Mareykanka ayaa qaaday duqayn cirka ah waxayna ku dileen sadeex dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab gudaha gobolka Bay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*