Mareykanka oo dib u howlgaliyay safaaradii ay ku lahaayeen Soomaaliya 28 sanno kadib

Calanka Mareykanka. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa sheegay in ay dib u howlgaliyeen safaaradii ay ku lahaayeen Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya maanta oo Arbaco ah.

“Maanta waxaan xaqiijinay xiriirka ka dhaxeeya dadka Mareykanka, dadka Soomaalida, iyo labada dal. Waa arrin muhiim ah oo taariikhi ah taasoo muujinaysa horumarka Soomaaliya ay samaysay sanadihii dhawaa, iyo tilaabo kale oo horey loogu qaaday.” Ayuu war-saxaafadeedka ku yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

“Safaarada Soomaaliya ee Muqdisho waxay keenaysaa kor u qaadida xiriirka, ayna horumarinaysaa danaha istiraatiijiyada ee Mareykanka, waxayna gacan ka geysanaysaa dhammaan ammaankeena, siyaasadda, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ujeedooyinka.” Ayuu ku sii daray.

Mareykanka ayaa si rasmi ah u xiray safaaradiisa Muqdisho 5-tii bishii Janaayo, 1991, markaas oo Soomaaliya ay gashay colaad sokeeye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*