Mareykanka oo cunoqbatayn ku soo rogay ganacsade Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu taageero kooxda ISIS

Hoggaamiyaha garabka ISIS ee Puntland/Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin. [Sawirka]
Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa cunoqbatayn ku soo rogay ganacsade Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu taageero kooxda ISIS ee ku sugan Puntland, Soomaaliya.

Bayaan ay soo saartay Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka Jimcadii, ayay ku sheegtay in ay cunoqabateyn ku soo rogtay Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo shirkadihiisa oo kala ah Liibaan iyo Mutafaq isaga oo sabab looga dhigay taageero uu siiyay garabka ISIS ee Soomaaliya.

Maxamed Mire Cali Yuusuf oo sidoo kale loo yaqaan “Soo Dareeri”, waa ganacsade Soomaali ah oo fadhigiisu yahay magaalooyinka Boosaaso iyo Dubai.

Kooxda yar ee ISIS oo uu hoggaamiyo taliye horey uga tirsanaa Al-Shabaab, Cabdiqaadir Muumin, ayaa ka howlgalaysay gobolka Bari ee Puntland tan iyo sanadkii 2015. Waxayna sheegteen masuuliyada weeraro aragagixiso oo ka dhacay Boosaaso.

Dabayaaqadii 2017, Mareykanka ayaa duqeyntiisii ugu horeysay qaaday oo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee Soomaaliya, waxaana lagu dilay dhowr dagaalyahan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*