Mareykanka oo cadeeyay in hoggaamiye ku xigeenkii maleeshiyada ISIS lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Bari

Dagaalyanahada Al-Shabaab oo ku dhuumanaya meel kutaala Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa cadeeyay in hoggaamiye ku xigeenkii maleeshiyada ISIS lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

“Iyada oo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dadaalkeeda ku aadan in la dhimo dhibbaatada ururada argagixisada, Taliska Mareykanka ee Afrika waxay qaadeen duqeyn ka dhacday deegaanka Xiriiro ee gobolka Bari, Soomaaliya, 14-kii April, 2019, waxaana lagu dilay Cabdixakiin Dhuqub, oo ahaa sargaal sare oo katirsan ISIS-ta Soomaaliya.” Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidaa ku sheegay war-saxaafadeed fiidkii caawa oo Isniin ah.

Dhqub ayaa ahaa ku xigeenka taliska ISIS ee Soomaaliya, waxaana uu masuul ka ahaa howlgalada maalinlaha ah ee kooxda xagjirka ah, qorsheynta weerarada, iyo agabka iyo wax soo iibinta, ayaa lagu sii sheegay war-saxaafadeedka.

Axadii, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sheegay in Cabdixakiin Dhuqub lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

Waxa uu noqonayaa sargaalkii ugu sareeyay oo katirsan kooxda ISIS ee ku sugan Puntland oo duqeyn lagu dilo tan iyo markii ay soo if-baxday sanadkii 2015.

2017, Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horeeyay ee ka dhan ahayd kooxdan qaaday, inkastoo uu ka badbaaday hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Muumin oo bartilmaameedku ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*