Maraykanka oo sheegay in maxaabiis ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay loo wareejiyay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta

Guantanamo Bay
Xabsiga Guantanamo Bay.

Washington-(Puntland Mirror) Maraykanka ayaa sheegay inuu 15 maxaabiis ah oo ku jiray xabsiga Guantanamo Bay uu u diray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, taasoo noqonaysa maxaabiistii ugu badnayd oo hal mar la wareejiyo intii uu xafiiska hayay Madaxweyne Barrack Obama.

Waaxda difaaca Maraykanka ee (Pentagon) ayaa sheegtay in 12 maxaabiis ah oo u dhashay Yemen iyo saddex u dhashay Afghanistan la wareejiyay.

Maxaabiista la wareejiyay ayaa xirnaa ku dhawaad 14-sanno iyagoo aan la maxkamadayn.

Madaxweyne Obama ayaa doonaya inuu xiro xabsiga kahor inta uusan xafiiska ka tagin.

Aqalka Cad ayaa doonaya in maxaabiista inta harsan loo wareejiyo Maraykanka, laakiin waxaa diiday congress-ka.

Madaxweyne Obama ayaa aaminsan in xabsiga Guantanamo Bay uu qayb ka yahay abuurmida kooxaha jihaadiyiinta ah uuna abuuray nacayb weyn oo Maraykanka loo qabo.

Bishii lasoo dhaafay ee April maxaabiis u dhashay Yemen oo ku jiray xabsiga ayaa loo wareejiyay dalka Sucuudiga.

Xabsiga Guantanamo Bay ayaa ku yaala saldhiga ciidamada Maraykanka uu ku leeyahay koonfur-bari ee Cuba.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush ayaa furay xabsiga bishii Janaayo ee 2002, si loogu hayo ajaaniibta looga shaki qabo argagixisada, kadib weerarkii 11-kii September, 2001 lagu qaaday Maraykanka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*