Maraykanka oo sheegay in ay afar maleeshiyo Al-Shabaab ah ku dileen duqayn cirka ah oo ka dhacday gudaha Soomaaliya

alshabab
Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntand Mirror) Labo weerar oo duqayn ah oo diyaaradaha Maraykanka ay ka geysteen koonfurta Soomaaliya bilowgii abuucaan oo ay ku lug lahaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya  ayaa waxaa lagu dilay afar maleeshiyo oo Al-Shabaab ah, sida uu sheegay afhayeen militari oo Maraykan ah maanta oo Arbaco ah.

Militariga Maraykanka ayaa horey u qaaday weeraro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo bartilmaameedsaday hoggaamiyaal sar sare oo Al-Shabaab ah. Bartamihii bishii Juun waaxda arrimaha dibada Maraykanka ayaa sheegtay in ay weerar duqayn ah ku qaadeen dabayaaqadii bishii May Cabdulaahi Xaaji Da’uud, oo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee qorsheeya howlgalada militari, sidoo kalena ahaa isku xiraha weerarada gudaha Soomaaliya, Kenya iyo Uganda.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Isniintii deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose, koonfurta Soomaaliya.

“Intii uu socday howlgal argagixiso la dirir ah oo ay hoggaaminayeen Soomaali, koox weyn oo hubaysan oo kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar kusoo qaaday ciidamada, waxayna khatar geliyeen nabadgalyada iyo amaanka ciidamada halkaas joogay,” sidaa waxaa yiri Kabtan Jennifer Dyrcz oo ah afhayeenka ciidamada Maraykanka ee Afrika.

“Iyadoo loo jawaabayo, ciidamada Maraykanka waxay qaadeen labo weerar oo duqayn cirka ah oo ay isku diifaaceen… waxaana lagu dilay afar maleeshiyo oo Al-Shabaab ah.” Ayuu ku daray Jennifer Dyrcz.

Al-Shabaab ayaa laga saaray Muqdisho sanadkii 2011-ka, balse wali waxaa xoogan loolankeeda gudaha Soomaaliya, maleeshiyada ayaa qaaday weeraro is-xigxiga oo u jeedkiisu yahay sidii awooda looga tuuri lahaa dowlada Soomaaliya oo ay Reer Galbeedka taageeraan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*