Maraykanka oo duqaymo ku qaaday kooxda ISIS ee Libya

Jet
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.

Tripoli-(Puntland Mirror) Maraykanka ayaa duqaymo ku qaaday meelaha ay Dowlada Islaamiga ah (ISIS) kaga sugantahay dalka Libya, kadib markii dowlada ay Qaramada Midoobay dabada ka riixayso ee Libya ay ka codsatay Maraykanka, sida ay sheegtay waaxda difaaca Maraykanka.

Duqaymaha ayaa lala eegtay meelahaha ISIS ee magaalo xeebeedka Sirta, taasoo kooxda ISIS ay ku xoogantahay.

Raysulwasaaraha Libya Fayez Sarraj, ayaa khudbad ka jeediyay taleefishinka, isagoo sheegay in duqaymaha ay sababeen “Khasaaro culus”.

Maraykanka ayaa horey duqaymo uga geystay gudaha Libya oo uu ku bartilmaameedsanayo kooxda ISIS, duqayntii ugu dambaysay ayaa dhacday bishii Febaraayo ee sanadkan.

Afhayeenka waaxda difaaca Maraykanka Peter Cook ayaa sheegay in duqaymaha ay ku dhaceen bartilmaameedkii saxda ahaa, oo ay kamidyihiin taangiyo, wuxuu sheegay in codsiga uu ka yimid dowlada Libya uuna amray Madaxweyne Barrack Obama.

Saraakiisha Reer Galbeedka ayaa sheegaya in tirada maleeshiyada ISIS ee gudaha Libya lagu qiyaaso ilaa iyo 6,000.

 

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*