Maraakiib jariif oo ajnabi ah oo yimid xeebta Boosaaso

Maraakiib jariif oo ajnabi ah oo yimid xeebta Boosaaso. [Sawirka: Archive]
Maraakiib jariif oo ajnabi ah oo yimid xeebta Boosaaso. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ilaa iyo todobo maraakiib jariif ah oo ajnabi ah ayaa lagu soo waramayaa in ay dhawaan soo gaareen xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Maraakiibta ayaa ruqsad ka helay dowladda Puntland in ay ka kalluumaystaan halkaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dowladda ah.

Ilo-wareedyada oo codsaday in aan magacooda la sheegin, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ay maraakiibtaas u ogolaatay in ay xeebahaas ka kalluumaystaan.

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Kalluumaysigu ay dhaqaale aan la aqoon cadadkeeda ay ka qaateen maraakiibtaas jariifka ah.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen maraakiibta ayaa waxaa laga leeyahay dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Thailand, waxaana heshiis la galay masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo ganacsato deegaanka ah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa horey u tilmaamay in kalluumaysiga sharci darada ah uu yahay “musiibo qaran”, balse wali dowladdiisu ma aysan samayn wax tilaabo ah oo looga hortagayo musiibadaas.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xeebaha Soomaaliya ayaa baylah u noqday maraakiibta kalluumaysiga sharci darada ah ee ajaaniibta, kuwaasoo heshiisyo hoose la gala masuuliyiinta maamul goboleedyada.

Dhaqaale gaaraya malaayin dollar oo kalluun ah ayaa lagu qiyaasaa in sanad walba laga xado baddaha Soomaaliya oo ah dalka ugu xeebta dheer qaarada Afrika.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*