Maraakiib dagaal oo aan la aqoon cida leh oo duqeeyay saldhigyada maleeshiyada taageersan ISIS ee magaalo xeebeedka Qandala

warship
Markab dagaal. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maraakiib dagaal oo aan la aqoon cida iska leh ayaa madaafiic ku ganay saldhigyada maleeshiyada taageersan ISIS ee magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qof dadka deegaanka ah oo ku sugan gobolka Bari, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in maraakiibta dagaalka ay duqeeyeen meelo duleedka magaalada Qandala ah, halkaas oo looga shaki qabo in ay kooxda taageersan ISIS saldhigyo ku leeyihiin.

“Maraakiib dagaal baa bartilmaameedsaday galabta meelo ay ku dhuumanayaan kooxda ISIS sheegatay oo kuyaala deegaanada duleedka magaalada Qandala,” ayuu yiri qof dadka deegaanka ah.

Sida uu sheegay qofka deegaanka ah waxaa jira khasaare ka dhashay duqaynta maraakiibta dagaalka, balse ma uusan sheegin tiro sax ah.

“Waxaa jirta dhimasho ka dhalatay weerarka, laakiin ma ogin tirada saxda ah sababtoo ah meesha oo ah meel fog,” ayuu ku daray.

Ma jirto jawaab kasoo baxday saraakiisha dowlada Puntland oo ku saabsan weerarka.

Arrintan ayaa imaanaysa asbuuc kadib markii maleeshiyaad taageersan ISIS oo uu hoggaaminayo Cabduqaadir Muumin oo ahaan jiray sargaal hore oo Al-Shabaab ah ay qabsadeen magaalada Qandala, taasoo qiyaastii 75km dhanka bariga kaga beegan magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*