Maleeshiyo looga shaki qabo al-Shabaab oo xalay madaafiic ku garaacay qaybo kamid ah Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Mirror) maleeshiyaad looga shaki qabo al-Shabaab ayaa madaafiic cul culus xalay ku garaacay meelo ku yaala caasimada Soomaaliya, Muqdisho, waxayna sababeen ugu yaraan shan qarax, sida uu khadka taleefoonka ugu sheegay warbaahinta Bloomberg, taliye katirsan ciidanka booliska oo la dhaho Axmed Shiino.

Dhanka kale, dadka deegaanka Muqdisho oo la hadlay warsidaha Puntland Mirror ayaa sheegay in ay maqlayeen qaraxyo waa weyn iyo rasaas ka dhacay qaybo kamid ah magaalada.

Ma jirto warar deg deh ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay.

Maleeshiyada al-Shabaab oo ku xiran urur weynaha al-Qaacida ayaa ka dagaalamaysay gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2006-ii si ay dalka uga sameeyaan maamul iyaga u gaar ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*