Maleeshiyo katirsan Galmudug oo ugu yaraan shan qof ku dilay gudaha gobolka Mudug

Maleeshiyo katirsan Galmudug oo ugu yaraan shan qof ku dilay gudaha gobolka Mudug. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa la dilay 10 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii maleeshiyo katirsan Galmudug ay beegsadeen dad shacab deegaanka Laan-Qawar ee degmada Jariiban, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, wadahadalo fool-ka-fool ah oo u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug ayaa istaagay kadib weerarkan cusub.

Shalay oo Talaado ahayd, wasiiro ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ka bilaabay wadahadalo, ujeedada wadahadalada ayaa ah sidii loo xasilin lahaa gobolka Mudug.

About Puntland Mirror 839 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*