Maleeshiyo Al-Shabaab ah oo lagu dilay holwgal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada Jubbaland. [Isha Sawirka: Jubaland TV]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Saraakiisha ammaanka maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay afar dagaalyahan ku dileen holwgal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Cabdala Biiroole, Yaaq Bishaaro oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay afhayeenka wasaarada amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen.

Ciidamada Jubbaland ayaa sidoo kale saanad ka qabsaday maleeshiyada, afhayeenka ayaa intaas ku daray.

Ciidamada Jubbaland ayaa dagaal kula jiray Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2012 oo ay magaalada xeebeedka Kismaayo ka qabsadeen maleeshiyada.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa magaalooyin waa-weyn oo kuyaala gobolada Jubbooyinka sida Buu’aale iyo Jamaame.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*