Maleeshiyadii uu hoggaaminyay guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo Carmo isaga baxay

Boosaaso-(Puntland Mirror) Maleeshiyaad uu hoggaaminayay guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabddisamad Maxamed Gallan ayaa maanta oo Arbaco ah isaga baxay degmada Carmo oo shalay duhurkii halkaas yimid.

Xaalada magaalada ayaa degan maanta, waxaana maanta si caadi ah kusoo noqday isku socodka wadada laamiga ah ee u dhaxaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo oo shalay baabuurta lagu joojiyay kantaroolka Boosaaso.

Sida warar lagu kalsoonaan karo  ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror, Cabdisamad Gallan iyo maleeshiyadiisa ayaa u baxay dhanka deegaanka Barookhle oo dhinaca Bari kaga beegan degmada Carmo.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa helay in xalay madaxtooyada Puntland, Garoowe uu ka dhacay shir u dhaxeeyay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyo saraakiisha ciidamada, shirka ayaa qaatay muddo saacado ah lamana oga waxyaabaha kasoo baxay shirkaas.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari oo uu xilka ka qaaday madaxweyne Cabdiweli bishii May sanadkii 2015-ka ayaa magaalada Boosaaso ka baxsaday bartamihii bishii Febaraayo ee sanadkan kadib markii ciidamo dowlada ah ay howlgal ku qaadeen gurigiisa oo kuyaala magaalada Boosaaso si ay u xiraan.

Dowlada ayaa ku eedaysay Cabdisamad Gallan inuu masuul ka yahay rabshado bishii Febaraayo ee sanadkan ka dhacay Boosaao oo uu ku dhintay hal qof lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Cabdisamad Gallan oo dhawaan wareysi siiyay idaacadaha maxaliga ah ee Puntland ayaa ku eedeeyay mdaxaweyne Cabdiweli musuqmaasuq iyo cadaalad daro uu ku sameeyay dadka dega gobolka Bari oo Gallan kasoo jeedo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*