Maleeshiyada ISIS oo sagaal qof ku afduubtay duleedka magaalo xeebeedka Qandala

Maleeshiyada ISIS oo sagaal qof ku afduubtay duleedka magaalo xeebeedka Qandala. [Sawirka: Archive]
Maleeshiyada ISIS oo sagaal qof ku afduubtay duleedka magaalo xeebeedka Qandala. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Puntland ayaa sagaal qof ku afduubatay duleedka magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta joogta Puntland, Jaamac Maxamed Khuurshe, guddoomiyaha Qandala, waxaa uu sheegay in maleeshiyadu ay jidka u galeen gaari ay saarnaayeen dad dhowr iyo toban ah oo ku socday Boosaaso ayna afduubteen ilaa iyo sagaal qof kadib markii ay ka soocdeen dadkii rakaabka ahaa.

Afar kamid ah dadka la afduubtay ayaa ahaa askar Puntland katirsan kuwaasoo shaqada fasax ka ahaa, sida uu xaqiijiyay guddoomiyuhu.

Afduubka ayaa dhacay galabnimadii Jimcada oo shalay ahayd, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Sargaal katirsan ciidamada ammaanka Puntland, kaasoo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in labo kamid ah ciidamada Puntland oo ay afduubteen maleeshiyada ISIS ay ka baxsadeen.

Dowladda ayaa ciidamo badan u dirtay deegaanka halkaas oo uu afduubku ka dhacay si ay u si daayaan dadka la afduubtay, sida uu sheegay Khuurshe.

7-dii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, Ciidamada dowladda Puntland ayaa dib u la wareegay magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, taasoo gacanta ISIS ku dhacday bishii Oktoobar sanadkii 2016-kii.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*