Maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland oo ku hanjabay weeraro argagixiso inta lagu guda jiro dabaalegyada sanadka cusub

Sawirka: Dagaalyahan katirsan ISIS oo jeedinaya hanjaabaad.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Xagjiriinta ISIS ee ku sugan gudaha Puntland ayaa taageerayaashooda ugu baaqay in ay qaadaan weeraro argagixiso inta lagu guda jiro munaasabadaha loogu dabaaldegayo sanadka cusub.

Muuqaal lagu baahiyay online-ka ayaa ISIS u jeedisay taageerayaasheeda in ay ugaarsadaan waxay ugu yeereen dadka aan Ilaah rumaysneyn, kaniisadaha iyo suuqyada.

Muuqaalka dhexdiisa, ISIS kuma aysan xusin halka ay ku yaalaan meelaha ay bartilmaameedsan doonaan.

Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay qaaday duqayntiisii ugu horeeyay oo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Puntland, Soomaaliya, waxaana uu dilay dhowr dagaalyahan.

Maleeshiyada ISIS oo loo maleynayo in ay ku dhumaanayaan baadiyaha gobolka Bari ee Puntland ayaa khuburadu ka digayaan in tiradoodu ay kordhi karto iyada oo ISIS ay ka cararayaan Suuriya iyo Ciraaq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*