Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab oo odayaal dhaqameed ku gowracday gobolka Mudug

Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawirka: Al Jazeera]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sideed oday dhaqameed gowracday  sidoo kalena dishay ugu yaraan todobo qof kadib muran ka dhashay bixinta sakada, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Muranka oo isku badalay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay gobolka Mudug asbuucaan gudihiisa waxaana sidoo kale ku dhimatay maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

“Al-Shabaab waxay nagu amartay in aan tobonaan xoolo ah u bixino sako, waana diidnay… taasaa bilowday dagaalka.. waxaanu dilnay 10 maleeshiyaad Al-Shabaab ah,” sidaa waxaa wakaalada wararka Reuters u sheegay Nuur Cabdulaahi oo kamid ah dadka deegaanka.

“Marka Al-Shabaab waxay isaga yimaadeen gobol walba waxayna nagu soo qaadeen weerar. Waxay gowraceen sideed oday dhaqameed waxayna toogteen todobo kale maalintii Isniinta ahayd,” ayuu ku daray Nuur Cabdulaahi.

Maleeshiyada ayaa hawada ka saartay isgaarsiintii deegaanka sida ay sheegayaan wararka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*