Maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala Kenya

Sawiro laga soo qaaday goobta weerarka lagu qaaday ayaa muujinaya qiiq weyn oo cirka isku shareeray. [Isha Sawirka: Twitter]
Nairobi-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa subaxnimadii Axada weerar ku qaaday saldhig kuyaala gobolka Lamu ee dalka Kenya kaasoo ay isticmaali jireen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, sida ilo-wareedyo milatari ay u sheegeen wakaalada wararka Reuters.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa xaqiijiyay in weerar lagu qaaday saldhiga oo la dhaho Simba oo kuyaala Lamu.

Haayadaha ammaanka Kenya ayaa sheegay in milatariga Kenya ay weerarkaas iska difaaceen.

Ma jirto warbixin sheegaysa in cid Mareykan ah ama Kenyaati ay ku dhinteen weerarka. Saldhiga ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen shaqaale ciidan oo Mareykan ah oo gaaraya 100 qof.

Warar hoose oo ka yimid ciidamada Kenya oo ay heshay wakaalada wararka AP ayaa sheegaya in labo diyaaradood oo ay kala la haayeen Mareykanka iyo Kenya iyo labo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo Mareykanku lahaa iyo sidoo kale baabuur badan oo  Mareykanku lahaa lagu burburshay weerarka.

Al-Shabaab ayaa masuuliyada weerarkaas sheegatay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay subaxnimadii hore ee Axada oo lagu daabacay warbaahintooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*