Maleeshiyada Al-Shabaab oo u hanjabtay odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka Soomaaliya

Shiikh Cali Dheere
Afhayeenka kooxda hubaysan ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan “Cali Dheere” .

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa uga digtay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay ka qaybgalaan doorashooyinka Soo socda, sida uu sheegay afhayeenka Al-Shabaab.

Sida uu ku sheegay fariin cod ah oo lagu soo daabacay warbaahinta ku hadasha afka kooxda shalay oo Talaado ahayd, afhayeenka kooxda hubaysan ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan “Cali Dheere” ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan odayaasha dhaqanka haddii ay ka qayb qaataan hanaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya.

135 oday ayaa bisha soo socota soo xuli doona 275 xubnood oo ah baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo u codayn doona madaxweynaha cusub ee dalka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa laga saaray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, balse wali waxa ay ka wadaa magaalada weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah iyo qaraxyo isbiimayn ah, maleeshiyada ayaa u dagaalamaysa sidii ay awooda uga tuuri lahaayeen dowlada uu caalamka taageersanyahay ee Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*