Maleeshiyada Al-Shabaab oo sheegtay in ay toogasho ku fulisay afar nin oo ay ku eedaysay in ay ahaayeen basaasiin

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay toogasho ku fulisay afar nin oo ay ku eedaysay in ay ahaayeen basaasiin.

Sida ay daabacday warbaahinta taageerta Al-Shabaab, nimanka la toogtay ayay maleeshiyadu ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen haayadaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya, Kenya iyo CIA Mareykanka.

Toogashada ayaa galabnimadii Arbacada ka dhacday goob fagaare ah oo kutaala degmada Xagare ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay wararku sheegeen.

Shanta nin ee ay Al-Shabaab toogatay ayay ku sheegtay magacyadooda; Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi oo 59-sanno jir ah, Cabdi kariim Muuumin Axmed oo 48-sanno jir ah ayaa Al-Shabaab ku eedaysay in ay basaasin u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Barre Isxaaq oo 35-sanno jir ahaa ayaa isna ay ku eedeeyeen in uu la shaqaynayay dowladda Kenya, halka Cumar Xasan Axmed oo 33-sanno jir ah iyo Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24-sanno jir ah ay sheegeen in ay basaas u ahaayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*