Maleeshiyada al-Shabaab oo sheegtay in ay toogasho ku fulisay afar jaajuus

Maleeshiyada al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Jimcada sheegtay in ay toogatay afar qof oo ay ku eedaysay jaajuusnimo, waxaana kamid ah qof la bireeyay oo ay ku eedeeyeen inuu warbixin siiyay Maraykanka taasoo keentay dilka hoggaamiyihii hore ee kooxda.

Maleeshiyada hubaysan ayaa doonaysa in ay awooda ka tuurto dowlada Soomaaliya oo reer Galbeedka ay dabada ka riixayaan, waxayna kooxda doonaysaa in dalka ay ka samayso maamul ay iyagu leeyihiin.

Bartamihii 2011-ka, al-Shabaab ayaa laga saaray Muqdisho sanadkii ugu dambeeyayna waxaa laga saaray meelo ay ku xooganaayeen oo ku yaala koonfurta Soomaaliya, waxaana kala wareegay ciidamada huwanta ah ee AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

Bilihii u dambeeyay, si kastoo ay ahaataba, kooxda waxay weeraro ku qaaday ciidamada AMISOM waxayna weeraro ay u adeegsatay qoryaha fudud, bumbooyin iyo weeraro ismiidaamin ah ku bartilmaameedsatay magaalada Muqdisho, iyo magaalooyin kale.

Sida ay ku warantay raadiyaha al-Shabaab ee Al-andalus, afar nin ayaa toogasho lagu fuliyay galabtii Jimcada kadib markii markhaati loogu helay in ay la shaqeeyaan CIA-da, Kiinya iyo Soomaaliya.

“Waxaa si muuqata loogu toogtay banaan ku yaala tuulada Buula Fulay ee gobolka Baay,” sidaa waxaa sheegtay Al-andalus.

Axmed Nuur oo dadka deegaanka ah ayaa wakaalada wararka Reuters khadka taleefoonka ugu sheegay in dadka deegaanka ay kooxda ka codsatay in ay isugu yimaadaan meel u dhow saldhigooda.

“Waxaan u malaynay in khudbad jirto, si kastoo ay ahaataba waxaanu goobjoog ka noqonay saddex nin oo la toogtay iyo mid kale oo lagu hor gowracay hortayada,” ayuu yiri Axmed Nuur.

Sida ay sheegtay raadiyo Al-andalus ninka la gowracay waxaa la dhihi jiray Maxamed Aadan Nuur oo 26-sanno jir ah, kaasoo lagu eedeeyay la shaqaynta CIA, uuna fududeeyay dilka hoggaamiyihii hore ee al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, kaasoo ay diyaaradaha Maraykanka duqayn ku dileen 2014-kii.

Mid kale oo kamid ah ragga la toogtay ayaa waxaa la dhihi jiray, Muuxyadiin Hiiraab Axmed oo 27-sanno jir ah, waxaana lagu eedeeyay u jaajuusida CIA-da Maraykanka iyo Kiinya, isagoo gacan ka geystay dilka Cadnaan Garaar.

Garaar ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii dhimashada badnaa ee ka dhacay dukaan weynaha Westgate ee caasimada dalka Kiinya, Nayroobi sanadkii 2013-ka, waxaana Garaar isna sidoo kale lagu dilay duqayn diyaaradeed oo Maraykanka ka fuliyeen sanadkii 2015-ka gudaha Soomaaliya.

 

(Warbixintan waxaa qortay wakaalada wararka Reuters, waxaa turjumay warsidaha Puntland Mirror)

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*