Maleeshiyada Al-Shabaab oo shan qof oo shacab ah ku gowracday magaalada Tiyeeglow ee gobolka Bakool

alshabab
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa shan qof oo shacab ah ku gowracday magaalada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, kadib markii ay la wareegeen magaaladaas asbuucii hore markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya, sida uu sheegay xildhibaan.

Maxamed Isaaq Xuseen oo loo yaqaan “Afaraale” oo kamid ah xubnaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, isagoo sheegay in shan nin ay gowraceen Al-Shabaab iyagoo ku eedeeyay in ay la shaqaynayeen ciidamada Itoobiya.

Labo nin oo kamid ah ganacsatada deegaanka ayaa ku jira kuwa ay Al-Shabaab gowracday iyagoo  ku eedeeyay in ay cuno u geynayeen ciidamada Itoobiya, sida uu sheegay xildhibaanka.

Kadbib markii ay gowraceen dadkaas shacabka ah dad badan oo deegaanka ah ayaa bilaabay in ay ka cararaan magaalada, sida uu sheegay xildhibaan Afaraale.

Maleeshiyada Al-Shabaab kama aysan hadlin gowraca dadka shacabka ah iyo barakaca dadka deegaanka ee magaalada Tiyeeglow.

Al-Shabaab ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay la wareegtay magaalooyin kuyaala koonfurta Soomaaliya kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya.

About Abdi Omar Bile 691 Articles
Senior Managing Editor at Puntland Mirror and Co-founder of The Site. His Special Passion is Covering Topics Related to Security and Business.You can follow him on Twitter @Abdiomarbile

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*