Maleeshiyada al-Shabaab oo shan askari oo booliis ah ku dishay gobolka Waqooyi Bari Kiinya

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa shan askari oo booliis ah ku dishay gobolka xuduuda ee ku yaala Waqooyiga-bari ee dalka Kiinya maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay guddoomiye gobol.

Ma jirto bayaan deg deg ah oo al-Shabaab kasoo baxay, taasoo weeraro is-xig-xiga oo dhiig ku daatay ka samaysay gudaha Kiinya, iyagoo sheegay in ay sii wadayaan weeraradooda ilaa xukuumada Nayroobi ay kala baxayso ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.

“Waxaanu cambaaraynaynaa weerarka al-Shabaab ee Diimu saakaydan, shan ciidanka booliska ah ayaa lagu dilay,” guddoomiyaha deegaanka Mandhera, Cali Roba ayaa sidaa ku yiri Twitter-kiisa.

Al-Shabaab ayaa horey weeraro ula beegsatay gobolka Mandheera ee waqooyi-bari Kiinya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*