Maleeshiyada Al-Shabaab oo dib u la wareegay degmada Moqokori kadib markii ciidamada is-bahaysanaya ay baneeyeen

Maleeshiyada Al-Shabaab oo dib u la wareegay degmada Moqokori kadib markii ciidamada is-bahaysanaya ay baneeyeen.[Sawirka: Twitter]
Maleeshiyada Al-Shabaab oo dib u la wareegay degmada Moqokori kadib markii ciidamada is-bahaysanaya ay baneeyeen.[Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dib u la wareegay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan.

Maleeshiyo aad u hubaysan oo wata baabuurta gaashaaman ayaa subaxnimadii Arbacada gudaha u galay degmada kadib markii ay ka tageen xoogaga is-bahaysanaya, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Moqokori ayaa ah degmo kutaala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, waa markii saddexaad sanadkan gudihiisa oo ay maleeshiyadu gudaha u galaan degmada kadib markii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya oo hoostaga howlgalka AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*