Maleeshiyada Ahlu Sunna oo lagu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya

Khayre oo salaamaya maleeshiyada Ahlu Sunna ee lagu wareejiyay dowladda. [Isha Sawirka: Twitter]
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta oo Talaado ah lagu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo taliyaha ciidamada Daahir Aadan Cilmi oo loo yaqaan Indhoqarshe ayaa maanta booqday xero ay ku jiraan maleeshiyada Ahlu Suna ee magaalada Dhuusmareeb.

Khayre, oo maalmihii ugu dambeeyay safar ku joogay Dhuusamareeb, ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegtay dowladda dhexe, waxaana uu sheegay in ay qayb wayn ay ka qaadan doonaan howlgalada Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada gobolada dhexe.

Urur diimeedka Ahlu Sunna ayaa sanadihii la soo dhaafay dagaal adag la galay maleeshiyada Al-Shabaab taasoo doonaysay in ay gacanta ku dhigto deegaanada Ahlu Sunna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*