Maleeshiyaad uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo gaaray tuulada Kalabayr

Boosaaso-(Puntland Mirror) Maleeshiyaad badan oo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa xalay soo gaaray tuulada Kalabayr, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen warsidaha Puntland Mirror maleeshiyada uu Gallan wato ayaa ku hubaysan gawaari badan oo tikniko ah, baabuurta xamuulka ah, wiish iyo hal gaari oo ambalaas ah, maleeshiyada ayaa tuulada Kalabayr ka degay dhanka Koonfureed ee buurta.

Dhanka kale, ciidamo ka socda dowlada Puntland oo aad u qalabaysan ayaa soo gaaray meel u dhow tuulada Kalabayr, ciidanka dowlada iyo maleeshiyada Gallan ayaa tuulada Kalabayr dhinacyadeeda Waqooyiga iyo Koonfurta kala fadhiya.

Warsida Puntland Mirror ayaa ogsoon in dhawaan ay socdeen waan-waan ay wadeen issimo waa weyn oo laga dhex waday Gallan iyo dowlada Puntland, balse dhaq-dhaqaaqan ciidan ayaa soo kordhay.

Dhanka magaalada Boosaaso wararka uu ka helayo warsidaha Puntland Mirror ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo magaalada oo ay wado dowlada Puntland.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo wareysi dhawaan siiyay idacadaha maxaliga ah ayaa sheegay in uu dagaal lagalayo dowlada Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Deegaanka Kalabayr ayaa 45km u jira xarunta ganacsiga Puntland, Boosaaso.

 

[box]Wixii kusoo kordha wararkaas si deg deg ah ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.[/box]

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*