Madxweyne ku xigeenka Puntland oo tagay magaalada Boosaaso iyada oo ay Al-Shabaab heysato tuulo ku dhow

Madaxweyne ku xigeenka Puntland. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa habeenimadii Axada tagay magaalada Boosaaso.

Safarkiisa Boosaaso ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay bishii Janaayo 2019.

“Waxaan safarkaygii ugu horeeyay ku bixiyay Boosaaso si aan ugu howlgalo xaalada ammaan ee gobolka Bari, saameynta daadadka iyo gargaarka bani’aadamnimada si loo yareeyo waxyeelada dheeriya.” Sidaa ayuu ku qoray boggiisa Twitter-ka.

Safarka Axmed ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Af Urur, oo kutaala qiyaastii 60 kiilomitir dhanka koonfur-galbeed Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Masuuliyiinta sare ee Puntland kama aysan hadlin qabsashada Af Urur.

Labadii sanno ee u dambeeyay, Af Urur waxay ahayd bartilmaameedka Al-Shabaab taasoo qabsatay labo jeer.

Bishii June 2017, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen Af Urur, waxayna dileen qiyaastii 30 askari, waxayna bililiqaysteen hub iyo rasaas. Kooxda argagixisada ah ayaa mar kale weerartay oo qabsatay tuulada bishii July 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*