Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hir-Shabeelle oo isku caleemosaaray madaxweynaha cusub ee Hiiraan-land

Sawirka: Cali Cabdullaahi Cosoble oo iclaamiyay in yahay madaxweynaha cusub ee Hiiraan-land.

Beledweyne-(Puntland Mirror) Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa naftiisa u caleemosaaray in uu yahay madaxweynaha cusub ee waxa uu ugu yeeray Hiiraan-land” xaflad lagu qabtay magaalada Beledweyne shalay oo Jimce ahayd.

Odayaasha dhaqankiisa ayaa u aqoonsaday Cosoble in uu yahay hoggaamiyaha cusub ee Hiiraan-land, balse tani waxaa durba diiday guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Cismaan Bare Maxamed , kaasoo ku qeexay doorashada mid aan macno lahayn oo sharci daro ah.

Bishii lasoo dhaafay, xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa xilka ka qaaday Cosoble, iyaga oo ku eedeeyay shaqo xumo mudadii uu xafiiska joogay. Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay xilka qaadista madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, waxayna dowladdu sheegtay in 60 beri gudahood lagu qaban doono doorashada madaxweynaha Hir-Shabelle.

Dagaal siyaasadeed ayaa ku sii kordhayay maamulka yar ee Hir-Sahbeelle bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*