Madaxweynihii maamul goboleedka Amxaarada ee dalka Itooboya oo lagu dilay inqilab fashilmay

Madaxweynihii maamul goboleedka Amxaara Ambachew Mekonnen. [Sawir Hore]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Madaxweynihii maamul goboleedka Amxaarada ee dalka Itooboya ayaa la dilay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya.

Ambachew Mekonnen iyo la tayilihiisa ayaa lagu dilay isku day afgembi oo ka dhacay caasimada maamul goboleedka Amxaara ee Bahir Dar , sida ay sheegtay warbaahinta dowladda maanta oo Axad ah.

Isaga oo ka hadlayay taleefishinka xalay goor dambe, Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in taliyihii ciidamada Itoobiya la toogtay isaga oo isku dayayay in uu fashiliyo afgembi.

“Waxaa toogtay dad isaga ku dhawaa,” ayuu yiri Abiy.

Lama oga in Janaraal Janaraal Seare Mekonnen uu dhaawacmay ama uu dhintay.

Sida uu sheegay raysulwasaare Abiy, masuuliyiinta dowladda ayaa lahaa shir marka uu dhacay isku dayga afgembi.

Subaxnimadii hore ee Axada, Tefera Mamo oo ah madaxa ciidamada gaarka ah ee ku sugan gobolka Amxaara, ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan dadkii ku lugta lahaa afgembiga la xirxiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*