Madaxweynihii hore ee Yuhuuda Shimon Peres oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Yuhuuda, Shimon Peres. Xuquuqda Sawirka: Reuters.

Tel-Aviv-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Yuhuuda ahaana nin ku guulaystay abaalmarinta nabadda, Shimon Peres ayaa geeriyooday maanta oo Arbaco ah, labo asbuuc kadib markii uu ku dhacay xanuunka kadiska ah ee maskaxda ku dhaca oo howlgabka ka dhiga jirka qaarkiis (stroke).

93-sanno jirka, ayaa geeriyooday isaga oo ay ku hareeraysanyihiin xubno qoyskiisa ah, sida ay xaqiijisay warbaahinta Yuhuuda.

Raysulwasaaraha Yuhuuda (Israel) Benjamin Netanyahu ayaa tacsiyayntiisa shakhsiga ah ku cabiray bayaan taasoo uu ku sheegay in Peres uu ahaa ”kii la jeclaa ee qaranka”.  Golaha wasiirada Yuhuuda ayaa saakay isugu imaan doona kulan gaar ah oo ay uga arrinsan doonaan geerida ku timid hoggaamiyihii hore.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ka tacsiyeeyay geerida Peres isagoo ku tilmaamay saaxiib qaali ahaa iyo wadnihii Yuhuuda.

Peres ayaa labo jeer soo noqday RaysulwasaarahaYuhuuda, kadibna waxa uu noqday madaxweynihii sagaalaad ee Yuhuuda.

1994-tii waxa uu ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabada (Nobel Peace Prize) waxaana kula guulaystay Raysulwasaarihii hore ee Yuhuuda Yitzhak Rabin iyo maaxweynihii hore ee Falastiiniyiinta Yasser Carafaat, isagoo lagu siiyay dowrkii uu ku lahaa wada-xaajoodyadii Oslo, taasoo lagu qorsheeyay Falastiiniyiinta in ay noqdaan dowlad madax-banaan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*