Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo la dilay

Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax. [Sawirka: Reuters]
Sanca-(Puntland Mirror) Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in la dilay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Warbaahinta ay maamulaan falaagada Xuutiyiinta oo soo xiganaya saraakiil ayaa sheegay in la dilay Cali.

Sawiro iyo muuqaalo wareegaya online-ka ayaa muujinaya jir u ek Saalax kaasoo madaxa uu ka soo gaaray dhaawac.

Tan iyo asbuucii lasoo dhaafay, Saalax taageerayaashiisa oo ay weheliyaan Xuutiyiinta ayaa dagaal kula jiray madaxweynaha hadda talada haya Cabdirabi Mansuur Haadi.

Sabtidii, Saalax ayaa ku baaqay in bog cusub la furo, uuna taageerayo madaxweyne Hadi haddii uu joojiyo weerarka Yemen uuna soo afjaro xanibaada daran.

Xulufada iyo dowladda Haadi ayaa soo dhaweeyay hadalka Saalax. Base Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay Saalax in uu wado afgembi.

In ka badan 8,670 qof ayaa ku geeriyootay 49,960 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen tan iyo markii xulufada ay soo farogeliyeen Yemen bishii Maarso ee sanadkii 2015, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*