Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh oo lacag dhan $40,000 u qaadan doona howlgab bil walba

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lacag dhan $40,000 u qaadan doona howlgab bil walba, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shalay oo Khamiis ahayd lacagtaas ku meel mariyay kadib shirkoodii asbuuclaha ahaa oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, sida uu boggiisa Twitter-ka ku sheegay Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Lacagta ayaa lagu siin doonaa Xasan Shiikh si uu ugu isticmaalo nolosha qoyskiisa sida kirada guriga, kharashaadka maciishada, safarada iyo kharashaadka waxbarashada xubnaha qoyskiisa.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa doorashadii Madaxweynaha ee dhacday bishii Maarso ee sanadkan waxaa uga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*