Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo lagu aasay Boosaaso

Boqolaal qof ayaa kasoo qeybgalay aaska madaxweynihii hore ee Puntland. [ Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boqolaal qof ayaa kasoo qeybgalay aaska madaxweynihii hore ee Puntland. [ Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Meydka Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi sidoo kale loo yaqaan “Cade” ayaa maanta oo Talaado ah lagu aasay garoonka diyaaradaha ee magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari.

Madaxweynihii hore ayaa soo hoggaamiyay dowladda Puntland ee Soomaaliya mudadii u dhaxaysay 2005-tii ilaa iyo 2009-kii.

Munaasabada aaska ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya ee shaqada ka tagaya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid dhammaan daafaha Soomaaliya.

Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ku geeriyooday gudaha magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta asbuucii lasoo dhaafay.

Madaxweynihii hore ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa dhismaha nabada Puntland.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*