Madaxweynihii hore ee Khaatumo oo ku eedeeyay Somaliland labo masuul oo lagu dilay Buuhoodle

Madaxweynihii hore ee Khaatumo Maxamuud Yuusuf Indhosheel. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Khaatumo Maxamuud Yuusuf Indhosheel ayaa ku eedeeyay Somaliland dilka labo masuul.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta gudaha, Indhosheel oo ku sugan Garoowe, ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay ka dambeyso dilka Cabdifataax Maxamed Cali iyo Axmed Maxamuud Doolaal.

“Waxaanu heynay warar sheegaya in Somaliland ay soo dirtay dad si ay Buuhoodle uga geystaan dilal anaga naga dhan ah,” ayuu yiri.

Labada nin ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Buuhoodle fiidkii xalay oo Arbaco ahayd.

Doolaal, waxa uu soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Khaatumo, halka Cabdifataax uu ahaan jiray la taliyaha Raysulwasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Qaraxa ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo magaalada ka dhaca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*