Madaxweyne Uhuru: Nabad Ma helayno ilaa Soomaaliya laga nabadeeyo

Uhuru-Kenyatta-4

Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa qiray in Dalkiisa uusan heleyn Nabad iyo Xasilooni lagu naaloodo ilaa laga nabadeeyo Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Caalamka in ay gacan ka geystaan nabadeynta Dalka Soomaaliya oo ay colaado ragaadiyeen in ka badan 20 Sanno.

“Kenya Nabad kuma naalooneyso, ilaa laga soo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay Dalka Soomaaliya” sidaaasi ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha Kenya waxuu sheegay in loo baahan yahay dhaqaalo badan oo lagu wiiqo awooda Xarakada Al Shabaab.

Madaxweyne Kenyatta ayaa carabka waxuu ku adkeeyay in Ciidamada AMISOM ay ka bixi karaan Soomaaliya markii sare qaado dhaqaalaha iyo awooda Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

“Waa in la helaa dhaqaalo badan, lana xoojiyaa awooda iyo tayada Ciidamada Xoogaga Dalka Soomaaliyeed si looga adkaado Al Shabaab” sidaasi ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay Weeraro dhowr ah oo qaarkood uu ku daatay dhiiga badan kadib markii Xukuumadda Nairobi ay Ciidamo u soo dirtay Dalka Soomaaliya, si ay ula Dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*