Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Koonko oo 18 sanno oo xabsi ah lagu xukumay

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonko, Jean-Pierre Bemba ayaa lagu xukumay 18-sanno oo xabsi ah, waxaa xukunka ku riday Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah ee (ICC) oo dhagaysanaysay dambiyo dil iyo kufsi ah oo dhacay sanadkii 2002 iyo 2003.

Bemba, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga Koonko, ayaa bartamihii bisha Maarso noqday qofkii ugu horeeyay oo loo xukumo dambiyo dagaal oo ku lug leh galmo.

Baratamihii bishii Maarso, ayaa maxkamada ICC ku heshay madaxweyne ku-xigeenkii Koonko dambiyo gaaraya shan oo ah dambiyo dagaal oo ka dhan ah insaanimada.

Saddex kamid ah guddiga qaadiyada maxkamada ICC ayaa xukumay in Mr Bemba uu si rasmiya masuul uga ahaa ficilo dil, kufsi iyo boob ay maleeshiyadiisa ka geysteen dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe sanadihii 2002 iyo 2003-da.

Dhaq-dhaqaaqa Bemba ee Koonko (MLC) ayaa xilligaas taageero siinayay Madaxweynihii Jamhuuriyada Afrikada Dhexe Ange-Felix Patasse.

Bemba oo 53-sanno jir ah ayaa lagu xiray dalka Biljimka bishii May ee sanadkii 2008-da waxaana loosoo wareejiyay maxkamada ICC bishii Luulyo ee sanadkaas.

Wuxuu ka baxsaday  bishii Maarso ee sanadkii 2007-da dalka Koonko kadib markii uu dagaal ka dhacay magaalada Kinshaasa oo u dhaxeeyay ciidamadiisa iyo ciidamada dowlada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*