Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xilka ka qaaday wasiir dowlaha madaxtooyada ee isku xirka gobolada

Sawirka: Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa xilkii ka qaaday Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan oo ahaa wasiir dowlaha madaxtooyada ee isku xirka gobolada, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka maanta oo Arbaco ah.

Ma cadda sababaha ka dambeeya xil ka qaadista, balse tilaabada ayaa timid maalin kadib markii Gurxan uu la hadlay warbaahinta uuna soo dhaweeyay go’aankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Qalbi-dhagax ugu gacan gelisay Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*