Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u safray Jabuuti si uu uga qaybgalo dabaaldega maalinta xooriyada

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka gacan haatinaya diyaarada korkeeda. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maanta oo Arbaco ah u safary dalka Januuti.

Shir jaraaid oo uu qabtay kahor inta uusan duulin ayuu ku sheegay in safarkiisa Jabuuti ujeedkiisu yahay sidii uu uga qaybgali lahaa maalinta xoriyada dalka Jabuuti.

“Waxaan casumaad ka helnay dowladda aan walaalaha nahay, waliba jaarka nahay ee Jabuuti, waxaan ka qayb galaynaa maalinta ay xornimada ka qaateen gumaystihii Faransiiska oo ku beegan beri 27, Juun, 2019, waana ku faraxsanahay inaan kala qayb galno farxadda iyo dabaal deggooda, runtii ma gudi karno abaalkooda, walaalnimo ee ay noo galeen maalintaan garabka u baahnayn.” Ayuu yiri.

Jabuuti oo ah dal ugu yar ee kuyaala Geeska Afrika ayaa xornimadiisa ka qaatay Faransiiska 27 bishii June 1977.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*