Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo kulan la yeeshay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland iyo Garaad Kulmiye. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maanta oo Khamiis ah kulan la yeeshay wefdi ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-Waal.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, wefdiga ayaa maanta oo Khamiis ah yimid magaalada Garoowe ee caasimada Puntland si ay uga qeybgalaan soo afjarista colaad beeleed ka dhacday deegaanka Dhumay ee gobolka Sool labbo sanno kahor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*