Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Gaalkacyo

Vice President
Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiim Cumar Camay oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, oo ay kamidyihiin dad shacab ah iyo saraakiil booliis ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kormeeray xaalada dadka dhaawaca ah kuwaasoo hadda lagu dabiibayo isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa booqashadiisa dadka dhaawaca ah uu ugu tagay waxaa kala qaybgalay dhowr kamid ah golaha wasiirada, guddoomiyaha gobolka Mudug iyo duqa magaalada Gaalkacyo.

Isagoo la hadlayay saxaafada wax yar kadib booqashada, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay dadka dhaawacmay kuwaasoo aan dalka lagu daaweyn Karin in loo diri doono daaweyn caafimaad oo dibada ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*