Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday Af Urur kadib markii ay ciidamada dib ula wareegeen

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan oo la hadlaya ciidamada Puntland ee ku sugan Af Urur, June 11, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa Talaadadii booqday ciidamada Puntland ee ku sugan Af Urur.

Waxa uu uga mahadceshay ciidamada dagaalka ay kula jireen maleeshiyada Al-Shabaab mudada dheer, waxaana uu u balanqaaday in ay dabooli doonaan baahiyahooda.

“Waxaanu u soo qastiney dhufayskaas aad ku jirteen ilaa 2010-kii oo aad u adkaysateen saa u difaacdaan dalkiina inaanu idiinku nimaadno, Alle ha u naxriisto intii naftooda ku weydey iyagoo difaacaya dalkooda, intii ku dhaawacantayna Alle ha u boogadhayo, waxaanu u nimad sidoo kale inaanu idinla soo aragno halkaas aad ku jirtaan, waad fuliseen balanqaadkiinii, waad fulindoontaan inta naftu idinku jirto, waadna ku amaanantihiin.” Ayuu yiri Axmed Cilmi Cusmaan.

“Waxaan balanqaadaynaa ka dowlad ahaan wixii aanu qaban karno inaanuu qabano, wixii naga tanbatana inaanu idinku soo noqono illeen dalka waa wada leenahay eh oo aad xogogaalnimadeeda iyo ixtiraankeeda aad yeelataan.”

Booqashadiisa ayaa timid saacad yar kadib markii ciidamada Puntland ay la wareegeen Af Urur, taasoo ku dhacday gacanta maleeshiyada Al-Shabaab horaantii asbuucaan.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarka ku weheliyay masuuliyiin sare oo katirsan dowladda, oo ay kamid ahaayeen wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Galan iyo taliyaha booliiska Muxyadiin Axmed Muuse.

Af Urur waa magaalo yar oo ku dhex taala deegaanada buuraleyda ah, oo qiyaastii 60 kiilomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*