Madaxweyne Farmaajo: Waxaan doonaya in la dhiso ciidan xirfadle ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in dib u dhiska ciidamada ay tahay mudnaanta kowaad ee dowladdiisa.

Wareysi uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat Farmaajo ayaa yiri: “Waxaan doonaya in la dhiso ciidan xirfadle kaasoo awooda in uu ilaaliyo xuduudaha, difaaco qaranimada dalka iyo in xasilooni la gaaro.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha hadda jira uu yahay in maleeshiyada Al-Shabaab dalka looga saaro labboo sanno gudahood, kadibna si tartiib ah loo bilaabo yaraynta tirada ciidamada nabad ilaalinta marka la gaaro bisha Oktoobar sanadka 2018-ka.

Mar la weydiiyay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkii 1990-kii, Farmaajo ayaa sheegay in cunaqabataynta jirta ee dalka saaran ay xadidayso awooda ciidamada.

“Mashruuca hadda socda si dib loo uruuriyo loona howlgaliyo ciidamada ma noqonayso miro dhal haddii aan cunaqabataynta la qaadin,” Madaxweynaha ayaa yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*