Madaxweyne Farmaajo oo yimid Garoowe, shirkii oo furmi doona beri

Madaxweynaha Puntland oo garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowladda federaalka, May 4, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa yimid magaalada Garoowe galabta oo Sabti ah.

Farmaajo ayaan soo dhaweyn diiran kala kulmin bulshada marka loo eego safaradii hore ee uu ku yimid Garoowe. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahai Deni oo uu waheliyo raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Shirka Garoowe

Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe u yimid shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Raysulwasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle ayaa ku sugan Garoowe.

Shirka oo qorshuhu ahaa in la qabto bishii Maarso ayaa baaqday. Beri oo Axad ah ayuu ka furmi doonaa Garoowe, sida ilo-wareedyo ka ag dhow shirka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Ajandaha rasmiga ah ee shirka weli lama sheegin balse waxyaabaha ugu waa-weyn ee lagaga hadli doona waxaa kamid ah hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo muddooyinkii u dambeyay xumaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*