Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Belgium

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Belgium. [Xigashada Sawirka: SONNA]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee Belgium u fadhiya Soomaaliya Nicolas Nihon.

Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada Soomaaliya Mahad Daauud ayaa warbaahinta u sheegay in ay dib u soo noqonayaan safiiraddii wadamada caalamka u fadhiyay Soomaaliya.

“Safiirka Belgium-ka Madaxweynaha wuu ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga ee danjirenimo, taasina waxay muujinaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib ula soo noqonayso safaaradaheedii dhammaan adduunka ka jiray, waxaan is leeyahay wax yar oo fara ku tiris ah ayaa ka harsan iyaguna waddada ayay kusoo jiraan.” Ayuu yri Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*