Madaxweyne Farmaajo oo u safray Qatar

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad u ambabaxay dalka Qatar, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan madaxtooyada.

Masuuliyiin katirsan Villa Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu uu labo maalmood oo safar ah uu ku tagi doono Qatar, uuna la kulmi doono Amiirka dalkaas ee Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Waa safarkii labaad oo uu Doha ku tago Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo markii la doortay bishii Febaraayo ee sanadkii 2017-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*