Madaxweyne Farmaajo oo u safray Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Farmaajo oo u safray Imaaraadka Carabta. [Sawirka: Facebook/sntv]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad u safray dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa Abu Dhabi, Farmaajo ayaa wadahadalo la yeelan doona masuuliyiinta Imaaraadka, oo diirada lagu saarayo xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo xushmaynta go’aanka Soomaaliya ee khilaafka Khaliijka, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Kani waa safarkiisii labaad ee uu ku tago Imaaraadka tan iyo markii uu qabtay xafiiska Villa Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*