Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Talyaaniga

Madaxweyne Farmaajo iyo marwadiisa. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah u safray dalka Talyaaniga kadib martiqaad uu ka helay dowladda Talyaaniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Talyaaniga ayaa ka wadahadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab,” Madaxweynaha ayaa sidaa ku sheegay war-saxaafadeedka.

Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona saddex beri, waxaana ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, iyo shaqaale katirsan xafiiska madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*