Madaxweyne Farmaajo oo tagay magaalada Baydhabo

Madaxweyne Farmaajo oo masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada kulamo kula leh magaalada Baydhabo. [Sawirka: Twitter]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah safar ku tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo uu kamidyahay Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo shacab weynaha Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadanaya masuuliyiinta iyo shacbka gobolkaas inta uu ku guda jiro safarkiisa.

Arrimaha ugu waa-weyn oo uu kala hadli doona masuuliyiinta ayaa waxaa kamid ah sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay ee jooga goboladaas iyo sidii maleeshiyada Al-Shabaab looga xoreyn lahaa saldhigyada ay ku leeyihiin gobolada Koonfur Galbeed.

Waa safarkii ugu horeeyay oo uu ku tago magaalo dalka kutaala oo ka baxsan caasimada Muqdisho tan iyo markii Madaxweyne loo doortay 8-dii bishii Febaraayo ee sanadka 2017-ka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*