Madaxweyne Farmaajo oo soo gaabinaya safarkiisa Itoobiya si uu uga qeybgalo aaska qaran ee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo gaabinaya safarkiisa Itoobiya waxaana uu dib ugu noqon doonaa magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo aaska qaran ee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska kaasoo lagu dilay Muqdisho xalay.

“Waxaan soo gaabinayaa safarkayga Itoobiya si aan uga qeybgalo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas.” Sidaas ayuu ku yiri boggiisa Twitter-ka.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dowladda federaalka Soomaaliya Cabbaas Cabdulaahi Siraaji ayaa xalay lagu dilay gudaha Muqdisho markii ilaalada hanti dhowraha guud ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa wasiirku, sida ay sheegeen dadka goobjoogayaasha ah.

Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dilka Siraaji, isaga oo yiri: “”Aad Ayaan uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah.”

Waxa uu ahaa masuulkii ugu sareeyay ee dowladda Soomaaliya katirsan oo lagu dilo Muqdisho tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xafiiska qabtay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*